Taliska Ciidanka XDS oo wada qorshe ay ku soo furan lahaayeen Odayaal Al-Shabaab u Af-duuban.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo wax-garadka kasoo jeeda Galmudug ayaa dedaallo xooggan ugu jira sidii ay xorriyaddooda u heli lahaayeen ku dhawaad 70 Qof oo u badan Odayaal, kuwaas oo ay Al-Shabaab Maalmo ka hor ka Af-duubteen degaanka Gal-qoryaale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

G/dhexe C/qaadir Maxamed Cartan Taliyaha howl-gallada qaybta 21-aad ee CXD Soomaaliyeed , ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay inay socdaan qorshayaal la doonayo in Malleeshiyaadka Al-Shabaab Gacantooda looga soo saaro Dadka ay ka qafaasheen Gal-qoryaale.

3-dii Bishan ayay ahayd markii ay Kooxda Al-Shabaab 69 Qof oo u badan Odayaal ka qafaasheen Gal-qoryaale, iyadoo aan illaa iyo haatan la garanayn halka ay u kaxaysteen Dadkan iyo goobta ay ku hayaan.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa caan ku ah dhac, dil, boob, cabburin, Af-duub iyo banneysashada Xoolaha Ummadda, taasoo ay u dheer tahay inay qasab ku Askareeyaan Carruurta aan qaan-gaarin.