Diyaarad la sheegay inay ku dhacday Dalka Turkiga oo sababtay dhimasho iyo Dhaawac.

Wararka ka imaanaya Dalka Turkiga ayaa sheegaya in xubin sare oo ka tirsanaa shirkad samaysa Gaadiidka uu ku geeriyooday, shil Diyaaradeed oo ka dhacay degaan Xeebeedka Bostanci oo ka tirsan Magaalada Istambuul ee Dalka Turkiga.

Duuliyihii Diyaaradda ayaa sidoo kale ku dhaawacmay, walow qoraal uu boggiisa Twitter-ka soo dhigay Guddoomiyaha Istambuul ku sheegay in dhaawacyadu ay yihiin laba Qof, kuwaaso oo lagu dabiibayo Cuspitalka tababarka iyo cilmi-baadhista ee Istambuul.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta dhalisay shilkan Diyaaradeed, balse waxaa soconaya baadhitaanno lagu ogaanayo xog dheeri ah.

Xigasho:Anadolu