Maleeshiyaad ku dagaalamay Markab ku soo caariyay degaanka Galhagoog

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya degaanka Galhagoog oo 270-KM dhanka Bari magaalada Gaalkacyo uga beegan ayaa sheegaya in fiidnimadii caawa halkaasi ay ku dagaalameen maleeshiyaad hubeysan.

Maleeshiyaad ayaa ku Dagaalamaya ayaa wuxuu ka dambeeyay dagaalkooda kadib markii ay isku qabsadeen cida la wareegeysa Markabka xamuulka ah oo aad u weyn, kaasi oo maanta ku soo caariyay xeebta Galhagoog oo u dhaw Deegaanka Budbud.

Is rasaaseynta maleeshiyaadka dhexmartay ayaa la soo sheegayaa inuu ku dhintay qof, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Wararkii ugu dambeeyay ee degaankaasi ayaa sheegaya in Markabka ay gacanta ku hayaan qeyb ka mid ah maleeshiyaadka dagaalamay.

Dhanka kale Taliye ku xigeenka Booliska Galmudug iyo ciidan uu horkacayo ayaa ku sii jeeda degaanka Galhagoog, si ay u xaliyaan xaalada meesha ka taagan.