QALAD, QALAD KU SAX ARINTA CUMAR SHARIIF

Waa dhab sida maamul wanaaga na faraayo in Gudoomiye Omar Sharif Jeek waxay ahay inuu maro habka hab maamul, marka uu cabasho ka qabo mushkilad jirta oo xal u baahan inuu uga jawaabo qoraal madaxda sare ee dalka iyo wasaaradda Arimaha Gudaha, wuxuu ku qaldanaa inuu meel fagaaro ah uu fariintiisa TV uu u mariyo dowlada uu asaga ka tirsan yahay. Taasi waxay dalka ku abuuri kartaa deganaasho la’aan iyo dowladnimadda la doonaayo in ka adkeeyo inuu dhib u yimaado.

Hadana waxaa qalad ah inuu asagana xarig ku muto arinkaan loo baahnaa in xal loo helo, qofka masuulka ah marka la xiro oo maxkamad la taago waxaa qasab ah inuu jiro sharci lagu oogi karo fal dambiyeedkiisa, aniga ma arko sharci uu shabiyay godoomiyaha, haduu meel uga dhacay botokoolkii dowladnimo waa mid uu ku wayn karo shaqadiisa oo kaliya.

Arinta kale oo in la tilmaamo mudan waxay tahay sidaan ognahay Gudoomiye Omar Sharif wuxuu ka dhashay beelaha Soomaaliyeed ee aan hubaysnayn, dadka Soomaaliyeed ee jecel sinaanta, cadaalada iyo ku dhaqanka sharciga waxay arinkaan u arkeen in dadkaasi sidii la doono laga yeeli karo, tasoo ayadana kalsooni xumo ku abuuri karto dadka Soomaaliyeed.

Waxaan talo ku soo jeedinayaa in la dhiso boliis federaal ah oo ka madaxbanaan boliiska degmo iyo gobolba iyo dowlad goboleed oo baara dambiyada laga galaayo dalka iyo dadkiisaba, waxaa kaloo loo baahan yahay in la helo hay’ad badax banaan kuwaasoo shaqadooda ay tahay la dagaalanka musuqmaasuqa, lagacta beenta ah, baarista cuntada iyo daawada dalka la keenaayo.

FREE OMAR SHARIF..

Sheikhnor Qassim