MAXAA KA JIRA IN ABIY AXMED IYO ESIAS AFAWARKE WADDANKA U QABANAYAAN MADAXWEYNE FARMAAJO

Waxaa dadkii ka yaabiyey waa labo hogaamiye oo waddamadoodii qasan – Soomaaliya iyo Itoobiya; iyagoon dan ka laheyn arrimihii gudaha inay waqti ku dhumiyaan heshiisyo aan la aqoon waxay yihiin!

Madaxweyne Farmaajo dan kama leh cabashada ka soo yeereysa madaxda dowlad-goboleedka heysta waddanka intiisa badan. Danna kama leh baarlamaan iyo shacab Soomaaliyeed isagoo gelaya heshiisyo aan la aqoon waxay yihiin. Madax kasta oo waddan haysata xitaa ha ahaato kuwa shuuciga ah waa la ogyahay waxay u baxeen iyo hadday cid la soo galayaan heshiis?

Abiy Axmed waa saasoo kale oo waddankiisii kacdoomo baa ka socda! Weli meel la islama dhigin maxsuulkii ka soo baxay kacdoomadii u dambeeyey ee Oromada iyo Amxaaradu hor boodayeen saasooy tahay sida madaxweyne Farmaajo buu ku jiraa heshiisyo lala galo waddamo kale.

Mar horaba waddamada ciidamada ka joogaan Soomaalida khaasatan Ugaandha, Kenya iyo Jabuuti waa ka biyo diideen heshiisyada iyo booqashooyinka ka socda Geeska Afrika. Waad maqleyseen in madaxweyne Xaaf lahaa: Ugaandha ma faraxsana. Kenya dhowaan waxay garoonka Jomo Kenyatta ka soo celisay wasiirro iyo mas’uuliyiin uu ku jiro wasiirka Amniga. Jabuutina warkeeda waa haysaan!

Madaxweyne Farmaajo markii la doortay wuxuu dhinaca saaray Kenya! Waa la ogaa sidii Uhuru u soo dhoweeyey! Waa tii arrintii darbiga iyo badda laga hadlayey. Laakiin bilahan dambe waxaad mooddaa in madaxweyne Farmaajo ka xiriir furtay Uhuru Kenyatta oo dhinaca saaray Abiy Axmed iyo dhowaanahan Afawarke! Waa la fahmi kartaa sida Kenya hadda usii qasi karto arrinta Soomaaliya.

Waxaa la sheegayaa in Abiy Axmed iyo Esias Afawarke u ballanqaadeen madaxweyne Farmaajo inay waddanka u qabanayaan oo Shabaab iyo madaxda maamul-goboleedka meesha ka saarayaan! Sidoo kalana uusan u baahneyn ciidamo ka socda Ugaandha, Burundi, Kenya iyo Jabuuti.

Ciidanka badankiisu waxay noqon doonaan kuwa ka socda Eriteria oo lagu khaldi doono shacabka Soomaaliyeed inay yihiin muslim sidoo kalana Eriteria aysan ahayn Itoobiya oo kale oon wax cadaawad ah naga dhaxeyn! Sida la filayo waxaa Soomaaliya la keenayaa ciidamadii Itoobiya iyo Eriteria ee isku hor fadhiyey Badme. Ciidanka Eriteria uma baahna in diyaarado lagu keeno ee wuxuu soo marayaa dhulka! Keliya waxay Maraykanka ka rabaan inuu fasaxo! Waxaa Maraykanka inay ka dhammeeyaan arrintaas loo xilsaaray sida la sheegayo Sacuudi Careebiya iyo Imaaraadka.

Maxaa madaxda dowlad-goboleedku u fiirsanayaan khatartaas la sheegayo? Meeye wixii sheeganayey xubno baarlamaan? Maase dowlad-goboleedku u yeerto xubnaha deegaas ka socda ee labada aqal ku jira? Sida laga warqabo, xubnaha labada aqal iyagaa is metela ee cidna ma xukunto!

Waa caadi inaan Soomaalidu ku fiicneyn ka hor-tag. Horaa loo yiri: belaayo dhego la qabtey leedahay ee ma leh dabo la qabto. Gaarhaye wuxuu shacabka Soomaaliyeed ku leeyahay waxaa naga afeef ah in hadhoow marku arrin noqoto sidaan la saadaaliiyey aan la qeylin ee la adkeysto.

Gaarhaye media