Maqaal: Dal Istraatiji ah W/Q: Hosow

Weli waa la wadaa. Wariye iyo siyaasiyiin ma maqashaa ku celcelinaya Soomaaliya waa “dal istaraateji ah”, ayagoo ujeeddadu ay tahay in ay dalkooda ammaanaan.

” Dal Istaraatiji ah” waa aflagaaddo haddii aad taqaano micnaha ereyga Strategy. Wadamada adduunka ugu waaweyn weligaa ma maqlaysid ayadoo la leeyahay “Dowladda Maraykanka waa Strategic ah” ama “UK waa dal Strategic ah”

STRATEGY waa sida waddo muhiim ah si aad meel u gaarto. “Dal Istrateji” ah waa ereyo gumeysiga sameeyay oo loola jeedo dal hebel ujeeddo ayaa lagu gaari karaa, laakiin sidiisa kale dal qiima leh ma aha, ee waa keliya waddo ujeeddo ku gaar!

“Dal Strategic ah” waa wax is beddela. Wuxuu isku beddelaa :

1-Haddii uu dal xoog badan noqdo, ma aha istraateji ah oo danno lagu gaaro, asaga ayaa dal istraateji ah raadinaya.

2- Haddii gebigiisaba la qabsado uu tabar dareeyo, wax uu strateji ka og yahay lama arko, waayo waa qiimo dhacay.

Haddii uu wariyaha ama siyaasiga Itoobiyaan ahaa lahaa, sanadkana uu ahaan lahaa 1975 “Soomaaliya waa dal istraateji ah” waan aqbali lahaa.

Laakiin wariye, aqoonyahan ama siyaasi Soomaali ah inuu dalkiisa ku tilmaamo “Istraateji” maxaad ka dhihi lahayd, asagoo ay ka tahay dalkaaga ammaan?

Wixii dan naga leh, haba na dhahaane, anaga maxaan isu tilmaamaynaa?

Mid wasiir ahaa, hadda ka hor Erdogan ku sheegay “saaxiib istaraatiji ah” ayaan arkay! Muhiim ayay ka wadaan ma laha!

Mar dhow gabar wax baratay oo ereygaas taqaan markay bartaan ha dhahaan “strategic wife” aan kaa rabaa, xil ayaan kugu gaaraa, ama dhoof ayaan kaa saxanaa, ha u fahantee!

Hassan Adam Hosow