KA HADALKA MUSUQA MA DAMBI BAA?

Waxaan aad uga xumahay in ka hadalka musuq-maasuqa uu dambi noqday, qofka masuulka ah mar haduu ku shaqeeynaayo marxalad uusan wax badan ka badali karin oo taabaneeysa shaqadiisa waxay inta badan qofka ku abuureeysaa jahwareer (frustration).

Waxaan maqalnay in godoomiyaha degmada Xamar Wayne Mudane Omar Sharif Jeek loo xiray maanta cajalad laga duubay uu leeyahay musuq maasuqa ka imaanaayo boliiska degamadiisa ay dhib wayn ku hayaan dadka iyo degaanka. Dad badan oo Soomaaliyeed arinka ku dhacday gudoomiyaha waxay u fasirteen in dadka aan hubaysnayn si sahal ah loogu oogi karo dambi shacab iyo masuulba. Tani waa mid ka soo hor jeeda shariucda caalamka. Arinkaan waa mid ka baxsan gorsoor bulsho, waa mid ka soo hor jeedo xaquuda aadamiga, waa mid dhaawaceeysa kalsoonida ay shacabka u hayaan dowladda.

Waxaan talo ku soo jeedinayaa in si dhaqso ah loo siiyo xuriyadiisa masuulka, hadii kale la geeyo maxkamad loona ogolaado gar- yaqaano difaaca masuulka, bal aan aragno sharciga lagu oogi karo waa hadeey jirto sinaan, cadaalad iyo sharci.

Si loo cirib tiro musuqmaasuqa waa inaan yeelanaa forum looga hadlo dhibka uu leeyahay musuqmaasuqa, dambi ma noqon karo in laga hadlo musuqmaasuqa waayo waa cadawga hor istaagi karo hurumar bulsho.

FREE OMAR SHARIF.

Sheikhnor Abocar Qassim