Heshiiska Geeska Afrika u ekaa kii 1988 ee Siyaad Bare iyo Mingistu

Dhamaadkii 1980, ayaa quwadihii NATO iyo midowga Soviet oo maraykan iyo ruush kala hogaaminayaan ay go’aansadeen in ay soo afjaraan colaadaha geeska afrika ka socda, oo intooda badani ahaa dagaal wakaaladeed. Gobalka xilliyadaa waxa aad u raadeeyay dagaalkii qaboobaa.

Si loo hirgaliyo qorshahaas, waxa ay bilow u arkeen in ay heshiisiiyaan labadii dal ee ugu awoodda waynaa gobolka misena colaadda ugu ba’ani dhex taallay. Waa jamhuuriyaddii somalida iyo Ethiopia, oo midiba midka kale xasaraddiisa Ku hawllanaa. April 1988 ayaa kulan toos ahi Djibouti Ku dhex maray labadii madaxwayne, minguste xayle maryam iyo Mohamed siyad barre.

Natiijooyinkii kulankaas waxa ka mid ahaa, in dhinacyadu joojiyaan taageerada ay siinayaan jabhadaha Ku lid ka ah isuna gacan geliyaan, in ay ciidamada kala fogeeyaan iyo loollanka iskaashi loo beddalo.

Rejo Wayn ayaa laga qabay in uu hirgalo xaaladdana xasillooni Ku soo dabaalo, balse waxa dhacay wax afjaray cimrigii talisyada taladana u gacan geliyay jabhadihii.
Kooxihii hubaysnaa ayaa si is miidaamin ah u soo galay gudaha dalakii ay la dagaallamayeen, SNM iyo USC waxa ay iska xaadiriyeen gudaha jamhuuriyaddii soomaalida halka TPLF iyo ELF ay Ethiopia ka cartameen.

Khaladka wayni waa in dhinacyadii oo dhami aanay kaalin Ku lahayn heshiiska sida ay kaalin ugu lahaayeen colaadaha!
Sheekadu maantu waxba kama duwana middaa, geesku mar kale waxa uu waajahayaa isbeddal aanu curin shacab iyo hogaan ba balse ay lama huraan tahay in qaybtiisa jilo.

Haddii dhinacyada oo dhan aanay ka qaadan kaalintooda ama la siin doorkooda waxa ay bilow u noqon in gabi ahaan ba isbedalkaasi barriiqdo oo maro jid la mid ah midkii ka hore maray.

Si gaar ah Waxa raadayn ugu leh arrinka Somaliland oo sida loo waajahaa ay go’aamin doonto hanaqaadka isbeddalkan goboleed.

Cabdiraxmaan Axmed Warsame