Falanqeynta Dawlada jabuuti Geeska afrika miyaa laga Tirtiray?

Madaxweyne Farmaajo, Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki ayaa waxay sameysteen koox la baxday ESE oo ah magacyada wadan kooda oo la soo gaabiye

Kooxdan sadexda hogaamiye ka kooba hal abuur kooda waxaa iska leh dawlada imaaraadka waxay saameyn weyn ku yeelan karaan ururka IGAD

Waa inaan iswaydiino waa sidee xaalada siyaadadeed ee arimaha gudaha sadexdan dal ee itoobiya ereteriya iyo somalia waqtigan la hada la joogo

A Xaalada siyaasadeed ee wadanka itoobiya

waxaa ka jira wali dalka itoobiya kacdoonkii bilowdey 2014 ee ahaa colaada Qawmiyadaha wali waa socdaa xal siyaasadeed lagama gaarin dalka waxaa ka jirta dhaqaali xumi weyn oo ah wadanka oo dhan wa yeeshay dalka shiinaha oo amaah aan la aqoon siyeey kooxdii meesha laga saarey ee Tigreega. Waxaa jirta shaqo la’aan baahsan gaajo iyo colaad wadanka oo kala xiran.

B Xaalada. Siyaasadeed ee wadanka Eriteriya

Ereteriya waa wadan cuna qabateyn saaran tahay dhaqaalo xumi weynka jirto Dhalin yarada waxaa lagu qasbaa ciidanka ama shaqada dawlada ah oo qasab ah, Cuntada iyo wax walba waa qaali mushahaarka dadka qaataan maalin ayaa lagu qadeeyaa.

Sidaas darteed dad badan oo aanan doonaynin in ay ciidanka ka mid noqdaa ama shaqada qasabka galaan wadada kaliya ee u furan waxay tahay inay wadanka ka qaxaan.

Maanta waxa ay dadka reer Eritrea ka buuxaan xerooyin qaxooti oo ku yaala Itoobiya iyo Sudan, ama waxa ay isku biimeeyaan saxaraha iyo badda Mediterranean si ay u gaaraan qaaradda Yurub.

Waa dal uu xukumo nin dictayter ah oo dhiigya cab ah dadka wax mu caarada Koronto ayaa lagu dilaa Eritrean-ka waxa ay noqdeen dadka ugu badan ee tahriiba, Qaarada afrika.

C Xaalada siyaasadee ee wadanka soomaaliya

Somalia waa dal u kalo go’ay qeybo Faderaal Xuduud qabiil ku dhisan dawlad awood dhexe oo hotel xafiis u yahay madax ku raasta musuq maasuq ku yimid daal joogta ah iyo Qarax joogta ah oo kooxda al shabaab wadaan.
kama jirto ciidan qaran malaha dhaqaale qaran malaha

Iyagoo sadexdan dawladoo ku jiraan liiska dawladaha fashil may ee caalamka(.Fragile States) Ethiopia. Eritrea ,somalia failed states in the Horn of Africa, sow marka hore lagama rabo inay fashilka ka saaraan dalkooda si ay u helaan kal soonida bulshada caalamka.

Halkan waxaa nooga cad in dawladnimada waqtiga ka jirta somalia , Eritrea , Ethiopia ay caalamka ka yihiin dawlado fashil may.

Gobolka Geeska Afrika ayaa u muuqda mid galay marxalad siyaasadeed oo cusub, iyadoo dawlada jabuuti laga saaray inay tahay geeska afrika.

Waxaa cad inay jiryo Siyaasada is riixriixa oo u dhaxaysa Mareykanka iyo Shiinaha, iyo dawlada imaaraadka carabta oo siyaasadan qeyb weyn ka qaadaneysa inay dakadaha geedka afrika ka dhigto meel colaadeed si ay dabteeda uga hesho.

waa garan karnaa danta ka dhaxaysa itoobiya iyo Eriteriya waa laba dal oo waqti dheer hal dal isku ahaa ka dibna dagaal dheer dabadiid Go’aan ku gaarey inay kala go’aan wali wax bada ayaa ka dhaxeeya sida xuduud dhuleed ayaa ka dhaxeeya mid dhaqan ayaa ka dhaxeeya iyo mid taariikheed

Waxaa wanaagsen inaan wax iska way diino somalia iyo itoobiya iyo eriteriya maxaa ka dhaxeeya oo isku qasbi kara inay sidaan isugu soo dhawaadaan colaadna kala dhex dhigaan shacabka soomaaliyeed ee reer jabuuti iyo reer soomaaliya.

Waxaan wada og nahay in hore Hadalka qoraal oo ay soo saartay safaaradda Jabuuti ee Muqdisho, kutaa inay ka hadashay xiriirka somalia iyo Eritrea

in dawlada Soomaaliya ay xaq u leedahay inay xiriir diblomaasiyadeed la yeelato Eritrea, laakinse wax la ogolaan karo ma aha in walaalaheen Soomaaliya ay taageeraan Eritrea oo ku jirta qayb dhulkeenna ka mid ah, welina beeninaysa inay hayso maxaabiis reer Jabuuti
Aduunkana u diraan fariin ah in cunaqateynta laga qaado dawlada Eritea.

Khaladkaa ay tirsaneyso dawlada jabuuti waa mid ugaara hogaanka madaxweyne Farmaajo.

Waxaa iska cad in ay meel xun marayso colaada dawlada jabuuti u qaadey madaxweyne farmaajo

Waxaa dad badsn oo soomaaliya is waydiinayaan Su’aal loo waayey jawaab

Wuxuu yahay heshiis yadan badan ee

Madaxda sadexda dal Eritrea somalia iyo itoobiya heshiis deg deg ah kala saxiixdaan iyagoo la tashan shacab koodii golayaashii wakiilka ka ahaa nooca hashiiska ayaa ah in

iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed, lagana shaqeeyo sidii guud ahaan Gobolka Geeska Afrika loogu soo dabbaali lahaa xasillooni iyo horumar.
Goormaa dawlada jabuuti laga saarey geeska afrika. Sidee heshiisku ku dhaqan gali jabuuti oo diidan

Waa maxay danta dawlada imaaraadku?

Dowladda Imaaraadka ayaa u muuqata inay dharbaaxo aan toos ah la heshay Jabuuti waxay doonaysaa in Badeecadaha Ethiopia uga soo dega Dekeddaha Jabuuti loo wareejiyo Dekeddaha Asmara iyo Musawac ee dalka Eritrea.

Ethiopia oo ay ku nool yihiin in ka badan 100 million oo qof waxay 95% ganacsi la leeyihiin Jabuuti, halkaasi oo ay ka soo degaan Badeecadaha ay u baahan yihiin dadka Ethiopia. 30 sano ee uu xumaa xiriirka Ethiopia iyo Eritrea

Heshiiska Nabadda ee Ethiopia iyo Eritrea
Waxaa si hoose u soo diyaariyey dawlada imaaraadka markay ogaatey ina meesha ka baxeen hogaankii adkaa ee Tigreega ahaa.

Madaxda Ethiopia iyo Eritrea waxay bogaadiyeen doorka Imaaraadka Carabta ka ciyaartay

Waxaan Falanqeyn tayda ku soo gaba gabeyn

Waa inaan is waydiinaa su’aalo dhawra
Maxay tahay sababta ay Itoobiya u danaynayso inay isku koox noqdaan Somali iyo eriteriya oo jabuuti meesha looga saaro ayaa siyaasadan gadaal ka taagan

Muddo ka badan 30 sanadood, Itoobiya waxa ay isticmaalaysay dekada Jabuuti iyo marinka tareenka jabuuti itoobiya siday u xaqiri kartaa shaqadaa adeega ah ee sodonka sano loo hayey.

Wax walba taariikhda ayaa ka jawaabi.

Danjire Mahamed Caalim

caalim68@hotmail.com