Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo hadda ku wajahan Jabuuti

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad oo goor dhaw ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Asmara, kuna wajahan Jabuuti.

Wasiirka ayaa qeyb ka ah wafdi ka kooban Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea oo ka shaqeynaya sidii loo soo afjari lahaa amuuraha ka dhex taagan labada dal ee Jabuuti iyo Eritrea.