Weerar lagu qaaday Xarunta Booliska Nugaal

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo hubeysan ay weerar ku qaadeen taliska qeybta Booliska gobolka Nugaal.

Ciidamada weerarka ku qaaday xarunta ayaa la sheegay in ay wateen hub iyo Gaadiid dagaal, islamarkaana ay dhaawaceen ciidamo ka tirsan Booliska gobolka Nugaal.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Farawayne  ayaa sheegay in weerarkan ay soo qaadeen in ka badan 30 sarkaal iyo ciidamo ay wateen oo ka Gadoodsanaa shaqo fariisn lagu sameyay.

Faraweyne waxaa uu sheegay in Shaqo joojinta ay timid kadib markii ay ka soo bixi waayeen Waajibaadkii loo igmaday.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhaawacmay sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland oo kamid ahaa ciidamadii iska difaacay ragii soo weeraray .

Gudoomiyaha gobolka Nugaal ayaa sheegay in ragagan weerarka soo qaaday la soo taagi doono Maxkamada ciidamada qalabka sida ,waxaan uu Hay,adaha amniga uu ku amray in la soo qabto .