10 Calaamadood oo lagu garto qofka qabo cudurka Dhimirka (Cudurka Waalida)

Aqriste calaamadahan mid ka mid ah ama kuligood ruuxii lagu arko maskaxda ayaa looga jiraa waa in uu dhaqtarka maskaxda u tagaa sida ugu dhaqsiyaha badan,ha fududeysanina maxaa yeelay mustaqbaka in uu si toos ah u waasho ayaa laga yaabaa hadii aanan la daaweynin.

1- in uu qofka ka xanaaqo oo ay casabiyad ku soo dagato wax yar oo macno weyn lahayn sida kaftanka oo kale,iyo in uu u adkaysan karin hadalada dadka qaarkood.

2-in uu qofka mar walba soo xasuusto waayahii xumaa ee noloshiisa soo maray ,iyo in uu mar walba ka fikiro mustaqbaka sida uu xaalkiisa noqon doono.

3-in uu qofka ka fogaado goobaha ay dadku ku badanyihiin ,sida: suuqyada ,goobaha la iskugu imaado ee la fadhiisto laguna qaxweeyo,iyo in uu dhibsado qaylida iyo codka dheer.

4-in mar walba uu qofku hayo madax xanuun joogta ah ,iyada oo aysan jirin wax hawl ah oo uu qabatay jirkiisa oo u sababay madax xanuunka.

5- in uu naftiisa canaanto mar walba ama uu shalaayo sabab la,aan.

6-in uu gooyo asxaabtiisa,oo uusan xiriirin sabab la,aan.

7-in uu iska joogo qofka hal meel ,bil ama laba bilood ,ama xitaa sanado badan, asaga oon dareemin wax caajis ah ama in uu u baahanyahay hawo badalasho.

8-qofka oo aan awoodin in uu ooyo ama murugooda marka ay dhibaato weyn la soo daristo sida geerida ruux aktiisa ku weyn oo kale,sidoo kale in uu faraxsanayn oo uu qosli karin,dhoola cadeyn karin ,uuna aamusanyahay mar walba.

9-in uu qofka iska waayo dareenka naxariista iyo beer jileeca noocey doonto ha ahaato,taas oo u muujinaayo dadka iyo xayawaanka intaba.

10- qofku oo rabo mar warlba kaligiis in uu meel iska joogo,aamusnaado iyo in uu hurdo xilli walba.

Hadaba aqriste meeqa calaamad ayaa adiga isku aragtaa hadda?ama ku aragtaa ruux kuu dhaw oo aad taqaano?!!! Fadlan soo qor nombarka si talo laguu siiyo.

By:Mohamed deeq

Facebook Comments