Sweden Caruurta Ku Nool xaafadaha Saboolka way ka cayilan yihiin caruurta kale ee…..

Caruurta Ku Nool xaafadaha Saboolka ah Waxey ka Cayilan yihiin Ama ka buuran yihiin Caruurta ku Nool xaafadaha Hodonka ah Ama Qaniga Ah Ee.

Tusaale ahaan waa laban laab caruurta afar jirrada ah ee buuran ama culeyskoodu saa’idka yahay ee ku nool xaafadaha danyarta sida Skärholmen iyo Angered ee magaalooyinka Stockholm iyo Göteborg marka loo barbar dhigo xaafadaha Örgryte iyo Danderyd halkaas oo ay dadka deggani leeyihiin dhaqaale iyo aqoon ka sareysa kuwa ku nool xaafadaha Skärholmen iyo Angered.

Erik Hemmingsson waa cilmi baare wax ka baara buurnaanta:

– Arrintani waa dhibaato salka ku heysa dabaqadda ilmuhu ka soo jeedo, ayuu yiri Erik Hemmingsson.

Waxaa kaloo la ogaaday in caruurta buuran ama culeyskoodu badan yahay ku badan yihiin degaanada miyiga marka la barbar dhigo magaalooyinka waaweyn sida ka muuqata warbixinta uu ururiyey daryeelka caafimaadka caruurta ee maamul gobaleedka Sörmland kaasoo is barbar dhigay culeyska afar jirrada ku nool dalka oo dhan.

Warbixintaa ayaa laga soo ururiyey maamul gobaleedyo tiradoodu tahay 19 ee ka mida 21 maamul gobaleedka dalku ka kooban yahay.

Sarah oo ku nool Södertälje ayaa ka mida caruurta caafimaad darada ku qabtay buurnaanta.

– Caruurnimadeydi dhibaato ama waxa loogu yeero ”mobbning” ayaa la ii geysan jiray balse markaa ma ogeyn in dhibaatada iiga imaneysay buurnaanta, ayey tiri Sarah.

Gobalada Jämtland iyo Västernorrland ayey ku nool yihiin afar jirrada ugu badan ee culeyskoodu saa’idka yahay iyadoo boqolkiiba 16 caruurta halkaa ku nooli yihiin kuwo buuran ama culeyskoodu saa’idka yahay.

Dhanka kale Skåne ayey ku nool yihiin tirada ugu yar caruurta afar jirrada buuran ama culeyskoodu saa’idka yahay.
Xigasho. Raadiyaha Sweden