Qormo Xiiso leh: Fikirka USC lagu aasaasay anigaa lahaa

Xasan Cadde,

Bishii hore gudaheeda dhowr qof oo Soomaali ah ayaa siyaabo kala duwan isu xiriirinay. Qaarkood waan la yaabay, qaarna in uu caafimaadkooda caadi yahay ma hubo. Magacooda markay sheegeen ayay intaas raacinayaan! Waxaa iigu yaab badnaa:

1- Qof ii sheegay in fikirka USC lagu aasaasay uu asagu lahaa. Qof aan sidaas u weyneyn buu ii la ekaaday, waana u sheegay. Wuxuu yiri, “dugsi sare ayaan dhiganayay, fasalka ayaan ku aasaasay, warka markii dambe buu Caydiid iyo Ismaaciil Jimcaale gaaray. Roma magacayga lagu ma xusin”.

2- Qof igu yiri, ” anigaa qaban qaabiyay kulankii ugu horeeyay dhex maray Melez Zenawi iyo Shaatiguduud. Ciidamada RRA anigaa rasaasta, iyo dharka u iibin jiray, Shaatiguduud inuu xilka iiga dego ayuu Melez u sheegay laakiin anigaa diiday. Wuxuu ahaa nin daacad ah, aniga karti iyo aqoon waan leeyahay, laakiin daacadnimada kuma fiicni”.

3- Oday ii sheegay in uu PhD internal medicine talyaaniga ka qaatay 1972, kaddibna shaqo ka billaabay tiyaatarka Soomaaliya. Hadda wuxuu fanka Maayga kala taliyaa KG, dhowr heesood wuu alifay, oo fannaaniin yar yar qaadaan. Wuxuu igu yiri, “Sahal Macalin Ciise, heesaha anigaa ka sixi jiray, qaarka aanan u sixinna weli deel qaaf ayagoo ku jira ayuu Samatar qaadaa”.

4- Wiil dhallinyara ah oo ii sheegay in uu Founder ka yahay 18 shirkadood iyo NGO, wada shaqeeya, sida ku qoran Linkedin-kiisa oo uu ii soo diray asagoo ii sheegay in uu agaasime waaxeed inuu noqdo rajo wannaagsan ka leh haddii aan reernimo lagu riixin.

5- Kan iigu daran wuxuu igu yiri, ” David Cameron ayaan argagixisada kala talin jiray”, kaddib wuxuu ii soo diray sawir ay David Cameron iyo 6 qofood oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK, oo afar ka mid ahba aan aqaanno!

Waxaan ka baqayaa raggaas in midkood uu madaxweynaha Soomaaliya 2021 noqdo ama Guddoomiye Baarlammaan. Facebook bay ku jiraan, ha iga raali ahaadaan haddii ay qoraalkan arkaan!

Anigana waxaan idin sheegayaa in yaraantayda Xasan Cade la I dhihi jiray, reer Howl Wadaagna waa marqaati, oo aan Canada ku madoobaaday.

Inta dadka horumarka shaqsi oo dhab ah gaaray waxay gareen ay sheegistooda iyo wax doonis ka xishoonayaan, rag aan xishoon baa talin doonna!

Hassan Adam Hosow