Warbixin Xasaasi Ah: Maxaad kala socotaa dooda dhextaal dawlada kenya iyo kooxda Farmaajo

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in  dawladaha Somaliya iyo Kenya ay isku haystaan soo qabashada Fahad Yaasiin oo ah ku xigeenka Sirdoonka Somaliya oo dawladda Kenya u haysato arrimo khuseeya in uu dhowr baasaboor oo kala duwan uu ka qaatey dalka Kenya, si sharci daro ah.

Waxaana arrintaas illaa hadda ku muransan oo isku af garan la’ wasiiradda arrimaha dibadda ee Somaliya iyo Kenya.

Arinkan ayaa ah wax uu sigaara uu u doonayo Madaxweyne Uhuru Kenya, oo u arka arinkan mid sumcad daro ku ah dalkiisa. Markay warbaahinta Kenya soo bandhigtey fadeexadan.

Madaxweyne uhuru wuxuu ka hadlay musuq maasuqa baahsan ee ka jira dalkaasi, isagoo dhinaca kalana ku baaqay inaanan dowladda oo qura looga seexan la dagaalanka musuq maasuqa waa inay shacabku arinkan wax ka qabtaan.

Madaxweynaha oo Isniintii shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada Nairobi, ayaa sheegay in musuq maasuqu uu dhibaato dhinaca ammaanka ah uu ku yahay amniga dalka Kenya.

Musuq maasuqa waa dhibaato dhanka amniga ah oo soo wajahday dalkaan. Waxaan farayaa hay’adaha amniga iyo Waaxda Garsoorka inay qaadaan tallaabooyin wax ku ool ah, oo lagula dagaalamaayo, loogana hortagaayo musuq maasuqa. Ayuu yiri Madaxweynaha.

Dawlada soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo waxaa horyaal Caqabado badan oo ay Gacanteeda ku sameysatey.

Sida arinkan dawlada Kenya ka doonayso inay gacanta u soo galiso mudane Fahad Yasiin oo ah nin saxiib dhaw la ah madaxweyne Farmaajo.

Warbixintaan Waxaa Qoray Danjire Maxamed Caalim

caalim68@hotmail.com