Hey’adda qaabilsan Hawlaha Amniga ee Sweden oo walaac ka muujisay Doorashooyinka Sweden

Hey’adda qaabilsan Hawlaha Amniga ee dalka Sweden ayaa soo saartay warbixin ay ku sheegayaan walaac ay ka qabaan in la soo faragaliyo doorashada guud ee todobaadka dambe la filayo inay dhacdo dalkaasi iyo sida ay uga foojigan jihiin, isku day kasta oo loo soo maro dhinaca internet-ka.

Doorashadan ayaa sidoo kale aad uga duwan marka la bar bardhigo doorashooyinkii hore u dhici jiray, iyadoo ay siyaasiyiinta aaminsan fikradaha Midigta fog ee ka soo hor jeeda qaxootiga iyo dadka soo-galootiga ahi ay aad ugu ololaynayaan inay qaadi doonaan talaabooyin ka dhan ah dadka wadanka soo galaya ama kuwa hore u sii joogay ee aan u dhalan dalkaasi.

Sidoo kale dad badan oo Muslimiin ah oo Soomaali ku jirto ayaa u tartamaya doorashada gole yaasha kala duwan ee dalkaasi Sweden.