Saldhig Al-Shabaab ku lahaayeen degmada Bu’aale oo duqeyn xoogan lala eegtay

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn xalay saqdii dhexe lagu garaacay agagaarka degmada Bu’aale ee xarunta G/ Jubbada Dhexe.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in ay fulisay diyaarad dagaal oo aan weli la ogeyn halka laga leeyahay.

Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in duqeyntu ay ka dhacday deegaano ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeyntaasi laga fuliyay gobolka Jubbada Dhexe ee K/ Somalia.

Dhinaca kale Al Shabaab oo ka hadlay weerarkan ayaa sheegay in wax khasaare uusan ka dhalan duqeyntaasi, laguna garaacay goobo aysan dad ku sugneyn.

Al Shabaab ayaa sidoo kale warkan ku sheegay in diyaarada duqeynta fulisay laga leeyahay dalka Kenya, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka.

Inta badan diyaaradaha dagaalka Kenya iyo kuwa Mareykanka ayaa duqemo dhanka cirka ah  ka fuliya gobollada dhaca Koonfurta Soomaaliya.