R/Wasaare Kheyre oo gaaray Magaalada Baydhabo

Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Socdaalka R/wasaaraha ayaanan horay loo sii shaacin, balse warar madax banaan oo heleyso Shabelle waxa ay sheegayaan in Ra’iisul wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ay Baydhabo u tageen ka qeyb galka Aaska Allaha u naxariistee Hooyada dhashay Guddoomiyaha G/Shacabka, ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo ku geeriyootay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulk K/ Galbeed Somalia.

Guddoomiya Baarlamaanka Somalia ayaa shalay gelinkii dambe gaaray Baydhabo, si uu uga qeyb galo Tacsida iyo Aaska Hoyadiis.

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre  ayaa la filayaa in inta uu ku sugan yahay halkaasi kulamo uu la qaadan doono Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana ay ka wada hadli doonaan arrimo ku saabsan shirka madaxda maamul goboleedyada dhawaan uga furmaya magaaalada Kismaayo, kaas oo sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Jubbaland looga hadlayo arrimaha siyaasadda Somalia.