Howl-wadaag iyo Boondheere ayaa barbaro 1-1 ku kala tagay ciyaar ka dhacday garoonka Jaamacadaha.

Labada koox oo ku wada jira Group C ayaa garoonka soo galay iyadoo koox walba ay beegsanayso hogaanka Group-ka kadib markii ay barbaro kulamadii hore lasoo galeen degmooyinka Kaaraan iyo Deyniile,waxaana ciyaar weerar ku dheehan gacanta sare bilowga hore ee ciyarta la soo baxday degmada Howl-wadaag oo hogaanka ciyaarta la wareegtay isla qaybtii hore kadib gool aad u qurux badnaa oo uu u saxiixay laacibka No-6 Yaasiin Maxamuud Sulaymaan.

Boondheere oo qaybta hore jahwareer ku dhamaystay kadib markii 6 ciyaartoyd ay diideen in ay ciyaaraan markii ay dood ka keeneen in Kabtanka kooxda Keydka la geliyo kaasoo macallinka kooxda dhaawac awgii safka hore uga reebay isla markaana ay go’aansadeen in ay garoonka isaga dareeraan ayaa qaybta labaad lasoo baxday ciyaar wanaagsan.

Boondheere ayaa ka faa’iidaysatay fursado weerar celis ahaa waxaana mid kamid ah gool u badalay laacibka No-18 Maxamuud Xuseen Guuleed.

Howl-wadaag ayaa dhankeeda daqiiqadihi u dambeeyay ee ciyaarta heshay fyrsado ay goolal ku dhalin kareen kuwaa oo aan miro dhal noqon.

Group C oo ay kuwada jiraan Boondheere, Deyniile, Howl-wadaag iyo Kaaraan ayaa Group-ka kaliya ee aysan koox guul gaariin waxayna koox waliba sidataa 2 dhibcood kadib 2 kulan.

Maanta waxaa jiri doona kaliya hal kulan kaasoo dhex mari doona Xamar Wayne iyo wadajir waxuna ka dhici doonaa garoonka Banaadir, waxaana la baajiyay kulanki dhex mari lahaa degmooyinka Waaberi iyo Yaaqshiid oo dib laga ciyaari doono.