Shacabka Baladweyne oo Awaamiir la dul dhigay

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga guutada 5-aad ee qeybta 27-aad ee gobollka Hiiraan Isaaq Ismaan ayaa amaro culus ka soo saaray hubka sharci darrada ah ee lagu dhex wato magaalada Baladweyne ee xarunta gobolkaasi.

Taliye Isaaq ayaa shaaca ka qaaday in hadda wixi ka dambeeya aan la aqbali doonin in hub sharci darro ah lagu dhex wato gudaha magaaladaasi.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in tallaabo adag laga qaadayo cid kasta oo ku xadgudubta amarada ay soo saareen.

Shalay ayey aheyd markii maamulka gobolku uu ku dhawaaqay in todobaadkan gudihiisa howlgal hub uruurin ah laga bilaabyo magaaladaasi Baladweyne.

Dhinaca kale awaamiirtaan ayaa ku soo beegmaya xilii dhowaan gudaha magaalada Beledweyne ay ka dhaceen falal lagu dilay olaa shan ruux iyo laba qof dhaawac ah kuwaasi oo dhammaantood ahaa dad rayid ah, taasi oo la xariirta kaddib markii wiil darawal ka ahaa Mooto Banaan uu dilay askari ka tirsan ciidamada maamulka magaaladaasi.