Mike Pompeo oo ka digay guluf dawladda Suuriya maagantahay inay ku qaado Idlib kuna dhaliilay dhiggiisa Ruushka.

Wasiirka arimaha dibada Maraykanka, Mike Pompeo, ayaa ku dhaliilay dhiggiisa Ruushka, Sergei Lavrov, inuu difaacayo weerar xukuumadda Suuriya maagantahay in ay ku qaado gobolka fallaagadu haysato ee Idlib.

Fariin uu ku qoray boggiisa Twitter-ka ayuu Pompeo ku sheegay in gulufkaas Maraykanku u arko mid sii cakiraya colaad markeeda hore ba halis badanayd.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan daryeelka dhalaanka ayaa iyaduna sheegay in ay wadnaha farta kaga hayso in guluf culus oo ay dawladda Suuriya qaadaa halis gelin karo nolosha hal milyan iyo dheeraad caruur ah.

Saraakiisha hay’addaas ayaa durba waxay diyaariyanayaan qorshe ku talo gal ah oo ay cunto iyo biyo ku gaadhsiin doonaan kumanaanka qof ee gobolkaa ka qixi doona.

Xoogagga u daacad ah madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad ayaa isku urursanaya meel u dhow gobolka Idlib ee xadla la leh Turkiga maalmihii la soo dhaafay. Waxaanay sida muuqata doonayaa in ay ku qaadaan guluf kama dambays ah oo ay ku qabanayaan gobolkaas