Maamulka Jubaland oo Dowladda Kenya kala hadlay shaqaaqo dhowaan ka dhacday Gedo

Maamul goboleedka Jubaland ayaa sheegay in Dowladda Kenya uu kala hadlay shaqaaqo dhowaan ka dhacday maagaalada Beled Xaawo oo ka tirsan gobolka Gedo.

Madaxweyne K/Xigeenka maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay socdaal uu ku tegay magaalada Nairobi, isagoona sheegay in madax ka tirsan dowladda Kenya ay ka wadahadleen tacadiyo ciidamada Kenya dhowaan ka geysteen degaano ka tirsan xadka ay Soomaaliya la leedahay dalkaasi.

Waxa uu sheegay Maxamuud Sayid Aadan in booqashada uu ku tegay dalka Kenya ay qaadatay muddo saddex maalin ah, wuxuuna tilmaamay inay guul ku dhammaadeen waxyaabihii uu kala hadlay madaxda Dowladda Kenya.

“Dowladda Kenya waxay noo caddeysay in wixii ka dhacay magaalada Beled Xaawo ay ka xun yihiin, hase yeeshee ay diyaar u yihiin in maamulka Jubaland ay kala xaajoodaan” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan oo sheegay in ciidamada Kenya ay burburiyeen xarun shirkadda isgaarsiinta Hormuud ku lahayd magaalada Beled Xaawo isla markaana ay kufsadeen haween Soomaaliyeed.

Dhinaca arrintaan ayaa ku soo beegmeysa xilli dhowaan dowladda federaalka Soomaaliya ay guddi u saartay shaqaaqooyinkii ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo oo ay ku lug yeesheen ciidamada Kenya, iyadoo maamulka Jubaland u muuqdo mid si iskiis ah u doonaya in Dowladda Kenya uu kala hadlo wixii dhacay.