Howlgallo Dad Raadin ah oo ka socda Afgooye

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgallo waxa ay ka wadaan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa baadigoobaya dagaalyahano Al-Shabaab ee lagu tuhmayo in ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Xaafadaha degmada Afgooye.

Al-Shabaab ayaa weerar khasaare geystay ku qaaday degmada Afgooye, habeen hore, waxaana hadda si weyn loo adkeeyay Ammaanka.

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in la adkeyn doono Ammaanka degmada Afgooye , madaam Al-Shabaab ay dhowr jeer ay kusoo qaadeen weeraro geystay khasaare kala geddisan.