BAYDHABO OO MARTI GALINAYSO HOGAAMIYAHA XISBIGA TIIR

Waa fursad dahabi ah, waqti badan ayaa la sugayay imaanshahiisa, haatan ayaa la soo gaaray xilligii uu hogaamiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Midnimadda ee Tiir Eng. Saalax Sheikh Cusman Muuse uu booqan lahaa Baydhabo, ujeeddada socdaalkiisa ayaa ku aadan sidii uu halkaasi uga soo furi lahaa laanta Xisbiga Tiir.

Sharaf ayay reer Koonfur Galbeed u tahay inay Baydhabo Janaay ku soo dhaweeyaan Hal-doorkii ku guuleystay inuu dhiso Wasaaradda Hawlaha Guud ee Soomaaliya, hogaamiyaha ay Baydhabo marti galin doonto ayaa ku caan baxay samafalka ummaddiisa, qoditaankla ceelasha baahiyaha weyn loo qabo, u-hiilinta caaddaalada, nooleynta waxbarashada iyo u gar-gaarida dadka aan codka laheyn.

Waa la hubaa nabadoonkaasi ay ku faanaan shacbiga K/Galbeed inuu istaahilo in si aqlabiyad leh loo soo dhaweeyo, taariikhda ayaa xusi doonto socdaalkaasi mugga weyn, muwaadin walba oo jecel inay Baydhabo cagaheeda isku taagto waxaa la gudboon inuu ka qeyb qaato soo dhaweynta Qarameed ee loo samaynayo halyeyga ku soo fool leh.

Munaasabad uu heerkoodu aad u sareeyo looguna tala galay soo dhaweynta hogaamiyaha Tiir Party Eng. Saalax Sheikh Cusman Muuse ayaa lagu wadaa inay si kalgacal leh uga dhacdo magaalada Baydhabo, xaqiiqdii walaalaha Baydhabo wey mahadin doonaan booqashada hogaamiyaha Xisbiga Tiir.