RW Xassan Cali Kheyre oo Caawa booqasho ugu tagay hoygiisii Madaxweynhii hore Xassan Sheekh

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa caawa hoygiisa ku booqday Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta dalka dib ugu soo laabtay 18 bilood kaddib.

Xasan Cali Kheyre ayaa ka hor inta uusan Ra’iisul Wasaare noqon, waxaa uu ka mid ahaa xubnaha aadka ugu dhowaa Madaxweyne Xasan Sheekh, intii uu talada dalka hayay, waa lagu tilmaamayay Faarax Labaad ama koowaad, marka loo eego sida uu ugu dhowaa. sidoo kale wuxuu door firfircoon ku lahaa Ololihiisa Doorashada.

Abdiazizi Golfyare