Waaberi oo taako loo dhigay iyo Yaaqshiid oo rajadeeda soo ceshatay.

Degmooyinka Waaberi iyo Shangaani ayaa barbaro 1-1 isla dhaafi waafay kadib kulan ciyaareed aad u xiiso badnaa oo ay labada degmo ku yeesheen garoonka Jaamacadaha.

Degmada Shangani ayaa goolka la hormatay waxaana u dhaliyay Cbadirsiaaq Maxamed Axmed kaasoo rigooro u saxiixay waxaana qaybta hore lagu kala nastay 1-0.

Marki laysku soo laabtay Waaberi ayaa weerar xooggan ku qaday goosha Shangaani waxaana ugu dambayn goolka barbaraha u saxiixay laacibka No- 10 Xuseen Maxamed Xuseen.

Dhanka kale Yaaqshiid ayaa 1-0 uga adkaatay degmada kaxda oo ay ku kulmeen garoonka Banaadir.

Group A oo ay 5 degmo o laba laga doonayo ay ku loolamayaan waxaana degmooyinka u kala horeeyaan.

Shangaani

Waaberi 3 Kulan 7 dhibcood

Yaaqshiid 3 Kulan 4 dhibcood

Dharkenley 2 kulan 3 dhibcood

Shangaani 2 kulan 2 dhibcood.

Kaxda 2 kulan Eber