Xasan Sheekh Maxamuudoo maanta imaanaya Muqdisho

Sida uu qorshaha yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa inuu soo gaaro magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Garoonka diyaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa ka socota qaban qaabada lagu soo dhaweynayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo tan iyo markii doorashadii ka dhacday dalka looga guulaystay, islamarkaana talada dalka uu si rasmi ah u wareejiyay ku maqnaa dalka dibadiisa.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo saaxiibo dhaw la ah Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii dambe waday qaban qaabada ku aadan sidii maanta Muqdisho loogu soo dhaweyn lahaa Xasan Sheekh.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu ku dhawaaqayo imaanshiyihiisa kadib xisbi siyaasadeed oo isaga uu guddoomiye u noqon doono, kana qeyb galaya doorashada ka dhaceysa dalka 2020-2021.

Safarka imaanshihiisa Magaalada Muqdisho Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu ku soo beegmaysa, iyadoo 10-ka bisha soo socota la filaayo inuu furmo Kalfadhiga Baarlamaanka Soomaaliya, maadaama Xasan Sheekh uu yahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka.