Waa horumar weyn oo lagaaro madaxweyne hore wadankiisa Ku soo laaban karo

Waxaa nasiib wanaagsen ah in magaalada moqdisho noqotay meel hooyo u ah Somalinimada saxda ah iyo dimuqraadiyad xalaal ah.

Waa wax ilaahay loogu mahadiyo in shalay maanta ka wanaagsen tahay . dhaqankan noocan ah ayaa wadanka lagu dhisikaraa In siyaasada lagu Tartamo. Iyadoo somalinimo naga dhaxayso.

Sida aan wada og nahay marka laga hadlaayo dimuqraadiyadda soomaaliya kadib bur-burkii dalka soomaaliya sida xilka Madaxtinimo ay u wareejiyeen madaxweynashii hore shariif axmed iyo xasan sheekh waxaa amaanay dhamaan wadamada daneeya arimaha soomaaliya.

Ka qaybqaadasho sida firfircoon uga timaadda Muwaadiniinta somaliyeed siyaasad ku dhisan Nabad iyo horumar.

Ilaalinta xuquuqda Aadanaha iyo degaanka lagu nool yahay ilaalinta Xeerka iyi sharciga taas oo doorasho xalaal ah lagu gaarayo.

Waa in la taageeraa siyaasada ku dhisan habka Nabada ee maanta muqdisho ka bilaamatey.

Danjire Maxamed Caalim