Sida sharafta leh oo hada Xassan Sheekh loo soo dhaweyey, maxaan ka baran karnaa?

Inkastoo xilliyada kala duwan yihiin Madaxweynihii hore Xasan Sheekh 18 bilood kaddib ayuu Muqdisho ku soo laabtay, si weyn oo maamuus leh ayaa loo soo dhoweeyay, gaar ahaan Xukuumadda oo wafdi wasiiro u saartay soo dhoweyntiisa ayaa qeyb ka ahaa.

Hase ahaatee xilligii uu dalka Madaxweynaha ka ahaa, gaar ahaan sanadkii 2016 oo dalka olole doorasho uu ku jiray, waxaa dalka muddo sanado kaddib ku soo laabtay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Madaxweyne Farmaajo oo dalka Ra’iisul Wasaare ka soo noqday iyo xubno kale, soo dhoweyn iyo maamuus in loo sameeyo iska daayee waxaa qalqiil la geliyay soo dhoweyntooda, dad soo dhoweyn lahaa waxaa loo diiday inay gudaha u galaan garoonka.

Xilligeeda looba joogee hadda Madaxweyne Xasan Sheekh waa Xildhibaan abadiya, weli saameyn siyaasadeed ayuu dalka ku leeyahay, marka loo eego saaxibadiisa iyo teamkiisa oo dowladda ku jiro iyo dalka oo aan xilligan olole doorasho iyo loolan jirin.

Dad badan ayaa aaminsan inay fiicnaan laheyd in maamuuska maanta loo sameeyay inuu u sameeyo madaxdi ka horeysay xilligii uu Madaxweynaha ahaa Mudane Xasan Sheelj, laakiin waxaa cashar iyo tusaale wax laga qaadan karo ay noqon doontaa tallaabada Xukuumadda sameysay oo aanay ku qashqashaadin soo dhoweyntiisa maanta.

Abdiaziz Golfyare