Madaxweynihii hore Xassan Sheekh oo la filaayo inuu Shirka Kismaayo aado Isniinta 3 Setember

Waxaan ku farxay in si milgo & maamuus leh ee heerkeedu sareeyo dalkiisa loogu soo dhaweeyay Madaxweynaheenii hore, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waana waanaga iyo walaalnimada uu naga mudanyahay.

Iyana waxaan jecleystay sida dowladu uga qeyb qaadatay soo dhaweyntiisa ,oo ah, si ka duwan sidii loola dhaqmay Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed, markii uu dalka dib ugu soo laabtay, 22 Sep 2016.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta sheegay inaan safarkiisu aanu ku ekeyn Xamar, wuxuu ka mid yahay madax kala duwan oo aan la dhacsaneyn siyaasada dowlada, oo soo ajiibtay casumaad u diray Madaxweynaha Puntland C/weli Cali Gaas, kana qeyb galaya shir Kismaanyo ka dhacaya maalinimada Isniinta ee ku beegan 3-09-2018.

Cali Yare Cali

Waxaan ku farxay in si milgo & maamuus leh ee heerkeedu sareeyo dalkiisa loogu soo dhaweeyay Madaxweynaheenii hore,…

Posted by Cali Yare Cali on Thursday, August 30, 2018