KHEYRE: “XARUMAHA DANTA GUUD IS XILQAAN AYAAN KU DHISEYNAA”

Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Golahiisa Wasiirrada ayaa maanta kulankoodii Khamiis laha ahaa ku beddelay in ay ka qeybqaataan nadiifinta Garoonka Stadium Muqdisho.

Ra’isalwasaaraha oo la hadlayay dadkii  ka qeybgelayay nadiifinta Garoonka Muqdisho ayaa sheegay in Duqa Muqdisho uu farayo in Dadweynaha Magaalada uu siiyo agabka ay u baahanyihiin si ay u xoojiyaan Nadaafadda.

Mar uu ka hadlayay Goobaha kale ee sida Stadium Muqdisho oo kale loo nadiifin doono waxaa uu sheegay in ay ku xijin doonaan Xarunta Xisbiga,Golaha Murtida iyo Madaddaallada iyo Madbacadda Qaranka .

Ra’isalwasaare Kheyre ayaa sheegay in howshan tabarucaadda ah ay Khamiis kasta ka qeybgeli doonaan  Xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.