Dibadbax Ballaaran Oo Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ku warramaya in halkaasi maanta uu ka dhacay dibadbax xoogan.

Dibadbaxani oo ahaa mid ballaaran ayaa la sheegay in looga soo horjeeday Isbaarooyin horleh oo la soo dhigay inta u dhexeysa deegaanka Galinsoor iyo degmada Gaalkacyo ee gobolkaasi.

Dhalinyarada wax ka barata Gaalkacyo ayaa soo abaabulay dibadbaxan, si looga hortago Jidgooyooyinkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in banaanbaxan uu saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqii ganacsiga ee magaaladaasi.

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay Shabelle ayaa dalbaday in si deg deg ah wax looga qabto dhibaatooyinkaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa isa soo tarayay cabasho xoogan oo laga muujinayo Isbaarooyin hor leh oo la soo dhigay qeybo ka mid ah gobolkaasi Mudug.