Aniga iyo xaaskayga 25 sano ayaan is qabnaa maalina isma khilaafin

Nin ayaa ka sheekayay asaga iyo xaskiisa maalina inaysan is khilaafin waxayna is qabeen 25sano!

Waxaa la waydiiyay sidey ku dhacday arinkaas aan kugu daysanee.

Wuxuu ku jawaabay mrkaan is guursanay xaaskay 7-da inta lagu jiray waxaan aadnay meel dalxiis ah waxay wadatay faras, xogaa markaan soconay faraskii ayaa is ruxay oo way ka dhacday, xaaskayga way istaagtay faraskii ayay madaxa ka salaaxday waxayna ku tiri waa markii kowaada ee mar labaad ha sameynin.

Hadana mar kale ayuu is ruxay faraskii xaaskayga way ka dhacday markaas ayay mar kale madaxa ka salaaxday waxayna ku tiri faraskii mar 3aad ha sameynin laakin markii 3aad wuu is ruxay faraskii xaaskaygana way ka dhacday!

Boorsadi ay wadatay ayay bastoolad kala soo baxday faraskiina meesha ayay ku dishay

Markaas ayaan ku iri xaaskayag maxay tahay doqonimadan aad sameynaysid aqli la’aan ayaad tahay maxaa u dishay xayawaanka?

Xaaskayga way isoo dhawaatay madaxa ayay iga salaaxday waxayna igu tiri waa markii kowaad aad i caysid mar labaad ha sameynin

Wuxuu yiri maalinkaas kadib mar labaad qalad ma galin

Sidaas ayaan 25sano khilaaf la’aan ku noolnahay.

Asad Boojo