Dowladnimo hore ayay naga jirtaa! Gadaal kolay aniga uma socdo!

Dowladnimo, Waa 1977. 3 nin oo aabahay la dhashay oo ka yimid tuulada Goofgaduud ayaa xarunta Ciidamada Xoogga dalka ee Baydhabo waxay u tageen in aabahay oo dagaalkii Ethiopia iyo Soomaaliya ku maqnaa ay akhbaar ka soo helaan! Markii ay taliyayaashii ay jawaabihii ay rabeen ay ixtiraam darro kula kaceen ayay la soo baxeen ulahoodii, sarkaalkii meermeeriyay ayay madaxa ka garaaceen waana la xiray!

Hooyadey oo warkii maqashay ayaa tagtay goobtii. Sarkaalkii ayaa weydiiyay magaceeda, waxay tiri,”waa Kabaay”.

“Rage xiranna?”, hooyadeey sida daacadda ah ayay u sheegtay:

“1- Baagow 2- Jhuujhow 3- Waarow”

Askarigii asagoon liis fiirin ayuu yiri, “Soomaali ma ahan magacyadaan ee orod oo meesha ka tag”.

Qofka sidaas u hadlaya waa askari ka tirsanaa ciidan la sheego in ay Africa ugu fiicnaayeen, wuxuu la hadlayaa hooyo seygeeda uu jiro furinta hore ee dagaalka.

U bar bar dhig taas tusaale ahaan booliiskii ugu horeeyay Canada oo qalad taraafiko igu qabtay, iga qaaday aqoonsiga, kaddib magacayga markuu ku dhawaaqay, wax yar uu qalday aan saxay, wuxuu 3 jeer ugu yiri, “aad uga raali noqo in aan magacaaga qalad u sheegay”, kaddib ganaax ii dhiibey asagoo ixtiraamaya muwaaddinka weli si dhab ah sharcigii u fulinaya!

Ma aha in uu askariga Canada uu akhlaaq u dhalasho ah dheer yahay kan Soomaaliga, ee askariga Canada wuxuu ka baqayaa muwaaddinkaas awoodda uu u leeyahay inuu sharciga ku dacweeyo, hadduu ku xad gubto, shaqadiisana ku weyn karo, sharafta booliskana dhaawici kara. Sidaas darteed si dacwadaha ka imaanaya shacabka loo yareeyo, askariga inta hub iyo jimicsi la baro in ka badan oo dhowridda muwaaddinka ayaa ka baraa. Askariga Soomaaliga asaga ayaaba dowladdii ahaa, meel loo dhaafo oo uu ka baqo ma jirto taliyihiisa oo asaga la mid ah mooyee!

Dowladnimo hore ayay naga jirtaa! Gadaal kolay aniga uma socdo!

Hassan Adam Hosow