Tottenham oo Cashar lama ilaabaan ah u dhigtay Manchester United, markii ay 3-0 uga badisay.+Sawirro

Kooxda Tottenham Hotspur ayaa guul 3-0 ah ka gaartay kooxda Manchester United oo ku ciyaareesay garoonkeeda Old Trafford, waxayna u dhigtay Cashar aysan wiligeed ilaabi doonin.

Manchester United iyo Tottenham Hotspur ayaa kulankan ku bilaawday qaab dardar ah, xilli labada dhinac ay wada doonayeen in daqiiqadaha ugu horeeya ciyaarta ay shabaqa soo taabtaan.

Macalimiinta Jose Mourinho iyo Mauricio Pochettino ayaa waxay ku soo galeen xidigahooda ugu muhiimsanaa kulankooda sadaxaad ay ku wada ciyaarayeen Horyaalka Premier Leagu ee xili ciyaareedka cusub.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay weerar iyo weerar celis ayaa qeybtii hore ku soo dhamaatay barbaro 0-0 kadib markii ay labada kooxood awoodi waayeen inay wax gool ah ay iska dhaliyaan.

Qeybta labaad Ciyaarta ayaaManchester United waxay ku soo gashay dardar xooggan wuxuuna Pogba ku dhawaaday inuu ciyaarta hogaanka ugu dhiibo kooxdiisa, halka sidoo kale Spurs ay dhankooda iska khasaariyeen fursad halis ah.

Ciyaarta ayaa is badashay daqiiqadii 50-aad kadib markii uu Harry Kane hogaanka u dhiibay kooxdiisa Tottenham Hotspur wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0 kadib caawin qurux badan ee gees ka laad ka helay Kieran Trippier.

Sidoo kale wax yar kadib ayay kooxda Tottenham Hotspur waxay dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta, waxaana ciyaarta 2-0 ka dhigay Lucas Moura oo isna markiisa caawin ka helay Christian Eriksen.

Dhamaadka ciyaarta gaar ahaan daqiiqadii 84-aad Lucas Moura ayaa mar kale gaaray shabaqa kooxda Manchester United wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-0, sidaas ayayna ciyaarta ugu soo dhamaatay 3-0 ay guusha ku raacday kooxda Tottenham Hotspur.