Maraykanka iyo Kenya oo heshiis ku gaaray inay iska kaashadaan dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweyneyaasha Mareykanka iyo Kenya ayaa isku afgartay inay xoojiyaan iskaashi ku aadan arrimaha Difaaca gaar ahaan Dagaalka ka dhan ka ah Al-shabaab.

Kenya ayaa Mareykanka taageero uga dooneysa dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab oo dalkaas ka geystay weeraro dhimasho badan dhaliyay, kuwaas oo badankood dhacay wixii ka dambeeyay 2011-kii oo Ciidanka Kenya ay Soomaaliya soo galeen.

Madaxweeyne Trump ayaa sheegay in ay ka go’an tahay horumarinta difaaca Kenya si ay awood ugu yeeshaan inay cadowguuda la dagaalaan.

“Waxaan wadashaqayn iyo iskaashi wanaagsan lala lahayn Mareeykanka gaar ahaan Dagaalka ka dhan ka ah Argagixisadda, waxaan halkaan u joognaa horumarinta iskaashigeena ganacsiga iyo Maalgashiga” ayuu yiri Uhu Kenyatta.

“Waxaan sameeynaa dalxiis badan, ganacsi iyo difaac. Waxaanna hadda aad uga wada shqayneeynaa adkeeynta Ammaanka, waan kaaga mahadcelineeynaa in aad halkaan nala joogto” ayuu yir madaxweeyne Trump.

Hogaamiyeyaasha ayaa aad waxay uga wada hadleen arrimaha argagixisadda ee geeska Africa, sidii ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka lagu jiro ayey sidoo kale isla soo qaadeen labadda masuul.

Wakaalada wararka ee Associated Press ayaa sheegtay in faallo siyaasadeed John Githongo uu sheegay in kulanka Isniinta uu gacan ka geysan doono siyaasadda Kenyatta kadib markii ay dhacay xiisad ay Maxkamadda Sare ee Kenya ku eedeysay doorashadii madaxweynenimada ee August, taasoo ka soo horjeesatay cilaaqaad la’aanta, iyo mucaaradka oo qaadacay codka cusub.