Maleeshiyo Beeleed weerartay Saldhigga Booliska magaalada Beledweyne

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay weerareen saldhigga booliska magaalada Beledweyne.

Iskahorimaad hubeysan ayaa la sheegay inuu ka dhex dhacay ciidamada Booliska iyo dableydii hubeysneyd oo qaab beel ah u abaabulnaa balse lama oga illaa iyo hadda qasaaraha ka dhashay dagaalkan.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyo beeleedka weerarka geysatay ay doonayeen inay kala soo baxaan saldhigga Booliska askari ka tirsanaa ciidamada dowlada hoose oo shalay ku diley magaalada Beledweyne darawal waday Mooto Bajaaj.

Ciidamada Booliska ayaa la sheegay inay iska difaaceen dableydii hubeysnayd ee soo weeraray saldhigga.

Magaalada Beledweyne ayaa shalay iyo maanta waxaa ka taagnaa xaalad amni daro iyadoo dabley qaab beeleed u abaabulan lagu arkayay wadooyinka waaweyn ee magaalada Beledweyne.

Inta badan goobaha ganacsiga ayaa xirnaa maanta iyadoo saldhigga Booliska magaalada Beledweyne uu ku yaal meel ku dhow suuqa ugu weyn ee magaalada Beledweyne.

Dableyda weerarka geysatay oo ku hayb ah darawalka mooto bajaajta la diley  ayaa waxa ay dalbanayeen in loo soo saaro askari dilka geystey si ay u dishaan.

Hase yeeshee saraakiisha ciidamada Booliska magaalada Beledweyne ayaa waxa ay sheegeen in maxkamad la soo taagi doono askariga dilka geystay.