Hirshabeele State oo baaq u direysa shacabka ka soo jeeda deegaanadaas

Hirshabelle State Shacabkii ka soo jeeday ayaa laga rabaa in ay u istaagaan oo ay u midoobaan horumarinta deegaannadooda iyo ilaalinta nadaamka ay heeystaan.

Shacabka Hirshabelle waxaan la wadaagayaa in ay faham u yeeshaan in nadaamka u dhisan uu yahay mid ay iyagu leeyihiin .

Shakhsiyaadka aragtida diidmada qaba waxeey la mid yihiin iyagoo dhahaya canug dhashay hadda muxuu u socon waayay, taasoo ubaahan in loo sabro wax waliba oo curdun ah .

Ma jiro canug dhashay oo aan isagoo gur guurasho billaabin socod orod ah, nidaam muddo kooban dhisan kuma gaari karaayo in qofkasta oo reer Hirshabelle ah uu dantiisa haduu waayo, uu meel kasta buuq la taagnaado.

Waa muhiim in aan ilaashanno midnimadeena taas ayaana na gaarsiin karta horumar ay bulshadu kuwada faraxdo kuna naalooto.

Mahadsanidiin
Hassan Abdikadir Mudey