Guddoomiyaha Gaarisa oo xabsiga la dhigay kaddib markii lagu eedeeyay dembiyo culus

Guddoomiyaha magaalada Gaarisa Cali Bunow Qorane ayaa sheegay in aan la xirin balse uu isagu iska xaadiriyay ama is geeyay saldhigga ciidanka Booliiska si aan uga jawaabo eedaymaha loo soo jeediyay.

Wuxuu sheegay in aysan waxba ka jirin wararka ay saxaafadda Kenya tabisay ee ku saabsan in askar ay ku waabariisatay gurigiisa ka dibna xirtay 5:00 subaxnimo markii uu soo baxay.

Waxaa la sheegay in loo haysto in uu isku dayay in uu dilo wasiir goboleedkii hore ee maaliyadda Gaarisa Idriis Aadan sida ay ku warrantay warbaahinta Kenya oo uu ka mid yahay wargeyska Daly Nation.

Cali Bunow Qorane ayaa la sheegay in ay askar qabatay shantii Subaxnimo ee Talaadadan markii uu gurigiisa oo Nairobi ku yaalla ka soo baxay.

Idriis ayaa sheegay in madaxa laga toogtay isaga oo huteel hor maraya oo ka soo baxay masaajid u dhawaa.