Banaanbax xoogan oo ka socda Jigjiga kaddib markii magaalada la keenay meydad fara badan (Sawirro)

Banaanbaxyo waa weyn ayaa ka socda  Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Banaabaxa ayaa yimid ka dib markii meydka in ka badan 15 qof oo ah Haween, Caruur iyo Dad waayeel ah oo Soomaaliyeed lagu laayay degaanka Tuli-Guuleed ee ay weerar kusoo qaadeen ciidamada Oromada la keenay jigjiga.

Kumanaan qof ayaa iskugu soo baxay gudaha magaalada Jigjiga & Barxada Isbitaalka waxaana ay sheegeen in ay  ka xun yihiin ficilada Ugaarsiga Shacabka iyo qof kasta oo suurad Soomaaliyeed ah ee ay wadaan ciidamada Milateriga iyo qeybta Oromadda.

Bileyska Faderaalka & ciidamada Milateriga Itoobiya ayaa isku dayaya in xaaladda magaalada,  la dajiyo, balse dadkii ugu faraha badnaa ayaa kusoo xoomay Wadooyinka.