VOICE OF AMERICA MIYAYSAN KU SHAQAYNIN SHARCI?

Voice of America wariyayaasheeda sida ay u turjimeen hadalkiisa safiirka Mareeykanka Amb. Donald Yamamoto. Asagoo war bixin siinaayo Gudiga Arimaha Dibada Aqalka Senators mar ay waydiyeen sida loo xalin karo Arimaha Soomaaliya , wuxuu ugu jawaabay “ Waxaan hubsanaynaa inaan la shaqayn doono Dowladda Federaalka iyo 6 hogaamiyayaaha gobolada si loo xoojiyo arimaha amaanka iyo nabada.

Turjimaada Voice of America: “Waxaan la shaqayn doonaa Madaxwayne-yaasha gobolada Soomaaliyeed” Hadaba, dowladda Mareeykanka waxay ogtahay in dal yar uusan yeelan karin 6 Madaxwayne, aduunkana kama jiro dal leh 6 Madaxwayne, Dowladda Mareeykanka waxay ugu yeertay hogaamiyayaasha gobolada.

Arimahaan oo kale waxay jahwareer ku abuureeysaa siyaasadda guud ee dalka Soomaaliyeed, hadaba waxaan codsanayaa hadeey arinkaan ay tahay mid aqoon la’aan ama mid ay siyaasad ka dambeeyso waa in la saxaa oo laga waantoobaa, waayo hay’adaan waa mid ku shaqeeyso qaynuun hosaadyo oo lama taabtaan ah.

Waa dambi ay galayaan shaqaalaha Voice of America inay sameeyaan hadal masuul sare uusan oran, Voice of America waa hay’ad ku shaqeeysa canshuurta dadka Mareeykanka, taas awgeed waxaa ka mamnuuc ah arimahaan oo kale iyo turjimaad qalad ah, waxay ku qasban yihiin inay wax u sheegaan sida uu masuulka u hadlay.

Yamamoto ma dhihin 6 Madaxwayne, wuxuu yiri 6 hogaamiye ee gobolada( 6 regional leaders).

Sheikhnor Abocar Qassim