Soomaalilaand yaa dagaalka sokeeye ku qasbaya?

28-kii sannadood ee Soomaalilaand dawladnimada sheeganaysay wax ay soo martay marxalado iyo xaalado midiba ta kale ka sii foolxun tahay. Judhiiba sannadkii 1992 iyada oo aan dabkii hore bakhtiyin oo dambaskii iyo gudmoodkii la dhex daadsan yahay ayay kooxo budhcad dhiigyacab ahi geliyeen dagaal sokeeye oo aan haba yaraatee wax sabab ah lahayn. Mar kale 1994 ayay tabtii tab u dhiganta dagaallo kale bilawdeen. Wax ay ahaayeen dagaallo aan sinaba u ga dhimasho iyo khasaare yarayn kuwii la la galay Kacaankii Oktoobar, haddana aan wax micno ah lahayn.

Nabaddii iyo is dhaarsashadii ka dib waxaa bilaabatay marxalad kale oo dadka qaar ka dhigteen heshiis buuxa iyo bilaw nolol cusub, qaar kalena ka dhigteen fursad ay dib isu gu abaabulaan oo colaad iyo qabyaalad cusub u gu diyaargaroobaan. Mar kasta oo ay dadkii nabadda qaatay is dhigteen kuwan kale wax ay ku mintidayeen urursiga iyo yeelaahada awood kasta oo ay dagaalka soo socda ku geli doonaan. Xaqiiqo ahaan arrintaasi sida ay u dhacaysay dad badan baa arkayay laakiin is diidsiinayay in ay rumaystaan. Dabadeed kalhore markii ololaha afduubka qaranku meesha u gu sarraysa marayay ayay wax waliba ka la caddaadeen ama la ka la caddeeyay. Umadda oo indhaheedu shan yihiin ayaa la tusay oo loo la badheedhay xinkii iyo colaaddii intaas oo sannadood la soo maleegayay. Dawladda annaga ayaa xoog ku haysanna oo ku haysanaynna oo aan sii daynayn weligayo, ayaa af cad la gu yidhi, madax iyo mijo. Ergo iyo aragti walba oo loo bandhigay waa la ga la quustay. Hore ayaannu u soconaynnaa ee nabadda ilaashada haddii ay dan idiin tahay, ayuu noqday halkudhiggu.

Maanta haddaba waxaa la hayaa, oo waaqicaasi Soomaalilaand ku sandulleeyay halkudhiggaa jawaabtiisii. Adeer, nabaddu dan noo ma aha. Xaaladda aad na geliseen nabaddeedu haddii ay dan noo tahay weligeed iyo abidkeed dunida dad ku ma dirireen. Weligeed iyo allaheed shar iyo khayr ma loollameen. Weligeed iyo waaqeed shareecooyinka Alle ma waajibiyeen jihaad. Weligeed akhlaaqda iyo garaadka dadku ma soo dhaafeen heerkii xayawaaniga. Sabahaas oo dhan bay Soomaalilaand dagaal sokeeye u gu qasban tahay oo aanay nabad la ilaashadaa u oollin. Eeddana mar walba iyo maanta, sidii abidkeed waxaa leh cidda baaddilka iyo dulmiga caashaqday ee xaqa iyo caddaaladda nacday.

Weligaaba dhaqdhaqaaqa hubaysan ee bilawga ah necbow, habaar, cay oo u hanjab, waa xaqiiqo la gu qasban yahay.

Ibraahin-Howd Yusuf