MISKIIN BAA LEH MISKO LA FUULO!

Cabdi Iiley wuxuu falay oo gaboodfal ah waa wax diiwaanka taariikhda ku qoran oo cidna aanay inkiri karin. Balse, ma’aha in lagu digto oo la iska dhigo malaa’ig, kuwa mucaaradka ku ahba denbiyo badan ayey shacabka Soomaaliyeed ka galeyn. Midda kale, Cabdi Iiley looma xiran shacab Soomaaliyeed baad denbi ka gashay, ee waxaa lagu heystaa waa waxaad si dhow ula shaqeysay rajiimkii Tigreega. Si kale haddaan u dhigo, waa weysha gowrac dibbigu haku quustee. Waxa loo danleeyahay oo farriinta qayaxan loo dirayaa waa rajiimkii Tigreega, ee Oromo kalama jecla dhibta uu Cabdi iiley u geystay dadka Soomaaliyeed, oo iyagaaba (Oromada) duulaan ku ah Soomaalida har iyo habeen.

Posted by Danjire Mahamed Caalim on Monday, August 27, 2018

Haddii reysal wasaaraha Itoobiyada Dr. Caabi Axmed ee Oromada ah ey run ka tahay inuu soo qabto dadkii dhibka u geystay umadda Soomaaliyeed ee gaboodfalada iyo xasuuqa geystay, waa inuu soo qabqabtaa madaxda jabhadda Oromada ee iyagu raadkoodu uu qoyan yahay, iyo madaxdii Tigreega oo iyaguna ahaa maskaxdii ka danbeysay Cabdi Iiley iyo kuwa kale ee dhibta u geystay umadda Soomaaliyeed.

Tan kale, dadka Cabdi ku diganaya haka waantoobaan, hana ogaadaan kuwa hadda la keenay waa uun Cabdi Oromo iyo wixii la halmaala. Meesha isbeddel Soomaali kama dhicin, ee waxaa ka dhacay isbeddel Oromo ey xukunka ku qabsatay doonaysana iney ka aargudato rajiimkii hore iyo gacan yarayaashiisii. Xarigga iyo bahdilka Cabdi Iiley ma’aha wax dan u ah umadda Soomaaliyeed, inkastoo uu istaahilo xarig iyo wax walba oo ku dhaca marka la eego gaboodfaladii uu geystay. Haddana, waxaa muhiim in la fahmo in Oromo Cabdi iiley eysan u xirin jeceyl ey Soomaali u qabaan ama cadaalad ey raadinayaan, ee maadaama uu yahay nin dadkiisii naceyn oo tabar yar ayey u xirteen, si ey tusaale iyo cashar ugu dhigaan Tigreega.

Taa beddelkeeda, Oromadu kuma dhacaan iney soo xiraan ama xataa ey soo hadalqaadaan madaxdii rajiimka Tigreega ee muddada 28ka sanadood ku calanwalleenayay Itoobiya, kuwaas oo aad u bahdilay Oromada, aanooyin badanna u geystay dadka Oromada. Caabi masoo xiri karo madaxdii TPLF sida; Aregawi Berhe, Gidey Zeratsion, Debretsion Gebremichael, Fetlework Gebregziabher, Dr. Tedros Adhanom oo so noqday wasiirka arrimaha dibedda iyo reysal wasaarihii hore Hailemariam Desalegn Boshe. Raggaan iyo qaar kaloo badan waxay ku qaxweenayaan gobolka Tigreega cid ku dhacdaana waa la waayay, sababtoo ah dadkooda ayaa ku hagoogtay oo difaacanaya.

Cabdi Iiley waa danbiile, laakiin inta raggii Tigreega iska qaxweenayaan, sheekadu waxay u egtahay miskiin baa leh misko la fuulo.

Waxaa hubanti ah kuwa Cabdi Iiley ku diganaya ee Oromada u sacaba tumaya, iney iyaguna beri sidaan oo kale loo bahdili doono marka amxaaro ama qowmiyad kale ey xukunka Itoobiya la wareegto.

Waa halka uu Sayidku ka lahaa:

Kolna haddaan cid laga deyna heyn mawka dabaqiisa
Ninka haatan soo diganayow dan iyo xeeshaada
Waxaad iga dambey saanba waa deyrta maanta ahe
Maxaad igaga digataan berruu siin la soo degiye.

Qalinkii: Abdiaziz Arab