Madaxweynaha DDSI oo ka hadlay qorshaha maamulkiisa cusub

Madaxweynaha cusub ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mustaf Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa lagu hor dhaariyay Golaha Baarlamaanka, kadib markii shalay gelinkii dambe ay ansixiyeen Mudanayaasha DDSI.

Madaxweyne Mustafa Cumar ayaa jeediyay khudbad uu kaga hadlayay qorshaha xukuumadiisa ay xoogga saari doonto, wuxuu sheegay inuu xoogga saari doono xuquuqul insaanka, horumarka, iyo in la soo afjaro colaadaha u dhaxeeya qowmiyadaha qaar.

Wuxuu kaloo sheegay in xukuumadiisa ay diirada saari doonto in  la soo celiyo astaamihii qaranimo, wuxuuna ku baaqay in cid walba lagu ixtirmaado dhaqanka iyo Diinta ay leedahay.

Madaxweynaha DDSI ayaa sidoo kale sheegay inuu soo celinayo qeybsiga Soomaalida ay ku leeyihiin awood qeybsiga kheyraadka dalka, wuxuuna tilmaamay in isdhexgalka uu ka shaqeyn doono, islamarkaana la furayo xuduudaha.

“Waxaan xoogga saari doonaa in la xoojiyo, islamarkaana kor loo qaado kaalinta Dumarka qeybta siyaasadda, waxaan sidoo kale shaqo abuur u sameyn doonaa dhalinyarada, waxaan ka hortageynaa musuq maasuqa baahsan, oo ay ka mid tahay nin jecleysiga”. Ayuu yiri Madaxweyne Mustafa.

Arinta ugu sii muhiimsan ee uu ka shaqeyn doono ayuu ku sheegay inay tahay soo celinta Soomaalinimada iyo astaamaheeda, taasi oo muujineysa isirka ay ka soo jeedaan islamarkaana aan dhibaato ku aheyn inay kasii mid ahaadaan Ethiopia.

“Haddii aan Soomaalinadeena haysan, waxaan halis u nahay inaan dhaqan guurno, waxaana ka shaqeyn doonaa, soo celinta Soomaalinimada iyo astaamaha nalagu yaqaanay” Ayuu sidoo kale yiri Mustafa Cagjar.

Madaxweynaha cusub ee dowlad degaanka Somalida Itoobiya Mustafa Muxumed Cumar oo tan iyo markii la magacaabay ku sugnaa magaalada Adisa Ababa ayaa shalay gaaray magaalada Jigjiga, waxaana lagu soo dhaweeyay Madaxtooyada Jigjiga oo ammaankeeda ay la wareegeen ciidamo Millatari ah.