Hogaankii Golaha Shacbiga ee Jawaari waan in la soo celiyaa hadii kale…

Maalmahaan magaalada (Muqdishu/ Somalia), waxaa hareereeyay dood ku saabsan Golaha Shacabka iyo Gudoomiyaha Magaca uun ah (nominal)….Waxaana jira dareen-guud oo ah in Golaha Shacbigu gabay-howshiisii Ka dib markii la afduubay…

Hadaba si-Golaha Shacbiga loo badbaadiyo waa in marka ugu horeeysa waa in lagu celiyaa HOGAANKII Sharciga ahaa, waana in la aqbalaa 100% in Gudoomiyaha SHARCIGA ee Golaha Shacbiga Soomaaliya in uu yahay Mudane Gudoomiye Maxamed Sheikh JAWAARI, sababta oo ah SIFA SHARCIGA WAAFAQSAN looma marin xilka qaadistiisa, sidaas darteed, maba ahan SAX in waqtiga la iskaga qaado eed sheegashada iyo dacwada MURSAL, sababta oo ah sife sharci kuma qaban hogaanka Golaha Shacbiga.

Sidaas darteed Xildhibaanada XALAASHA ah waxaa laga codsanayaa in aay si deg deg ah u saxaan AF-GEMBIGII dhacay Bishii April 9, 2018 kii, waana in aay sida ugu dhaqsiyaha badan Xilkiisii ugu soo celiyaan Gudoomiye Jawaari oo ah Gudoomiyaha saxda ah ee Golaha Shacbiga Soomaaliyeed…

Waxmagaradii Inqilaab Ka XAARAANTA ah samaysayna waa in runta loo sheegaa, Dalkaan waxaa lama huraan ah in SHARCIGU Ka sareeyo rabitaanka shakhsiga ah…Hadii sidaas la yeeli-waayo waxaa suurta gal ah in Siyaasada Soomaaliya God-dheer ku dhacdo, waxa ama unuga ugu horeeya ee dumi-doonana waa Golaha Shacbiga oo AAS-AAS u ah dowladnimada bilowga ah ee hada magac ahaan uga jirta Soomaaliya…

Sidaas darteed inta goori-goortahay waa in la-daba qabto dowladnimada curdunka ah…Soomaali waxay ku maah-maahdaa CAANO-DAATAY DABADOODA AYAA LA-QABTAA, hada sida qof kasta oo wax-garta u muuqata dhaanku waa dhaan dabagaale….

Aniga SHAKHSIYAN waxaa Gudoomiye ii ah Mudane Gudoomiye JAWAARI, mana aqbali-doono cid kale. Soomaaliyey Guuleeysta Dhamaantiin: Aamiin

Hassan Sheikh