Tartanka kubadda cagta degmooyinka oo furmay iyo Waaberi oo guul bilowday+Sawirro

Waxaa maanta si rasmi ah garoonka Banaadir  uga furmay tartanka kubadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir 2018, waxaana  xaflada furitaanka oo si heersare loo soo agaasimayay  kasoo qayb galay  masuuliyiinta  Maamulka Gobolka Banaadir iyo   masuuliyiinta wasaaradda dhallinyarada iyo Isboortiga , Xiriirka kubadda cagta  marti sharaf kale.

   Ka hor bilowga  ciyaarta  waxaa   garoonka Socod kusoo maray    ciyaartoyda 17 degmo ee gobolka Banaadir oo ay horkacayeen  Bambayda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana tartanka daah furay Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye.

 Kulanka  furitaanka  oo ay ku loolameen   degmada Waaberi  oo tartanka daafacanasya iyo Degmada Dharkeenleey  oo kuwad jira Group waxay soo bandhigeen ciyaar aad loogu bogay waxaana qaybta hore lagu kala nastay 0-0.

 Marki laysku  laabtay Waaberi ayaa hogaanka ciyaarta  la wareegtay waxaana     u saxiixay laacibna no-e Sulaymaan Siid Cali, waxaase karaka casaanka ka qaatay  xiddiga  no-11  Xuseen Axmed Cabdullaahi kadib laba jaale oo uu laba qayb ee cciyaarta qaatay, waxuuuna noqday laacibki u horeeyay ee tartanka Degmooyinka ka qaata   jaalihii u horeeyay iyo Roosihi u horeeyay.

 Dharkenley ayaa abuurtay fursado ay kusoo barbarayn kartay balse waxay ka faa’iidaysan waysay Waaberi oo  roosi labaad ee ciyaarta  garoonka looga saaray xiddiga no-6 Cabdisalan Xuseen  Siyaad

  Kaasoo laba jaale qaatay, waxaana  taa badalkeeda  gool labaad ugu shubay  laacibka no-10 Xuseen Maxamed Xuseen , waxayna ciyaarta kusoo idlaatay 2-0 oo ay guusha ku raacday Waaberi oo hogaanka Group A kula qabatay 3 dhibcood.

Berri oo sabti ah waxaa la ciyaari doonaa laba kulan oo ka kala dhici doona garoomada Banaadir iyo Jamaacadaha

Yaaqshiid iyo shangaani oo Group A kujira ayaa garoonka Jaamacadaha   ku ballansan , halka Hodon iyo  Warta  Nabadda oo Group B  ku midaysan  ay isaga horimaan doonaan garoonka Banaadir.