Kaaaraan iyo Howl-wadaag oo garab dhac ku kala tagay.

Degmooyinka Kaaraan iyo Howl-wadaag ayaa kulan aad u xiiso badan ku yeeshay garoonka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Labada degmo oo kuwada jira Group C ayaa soo bandhigay ciyaar aad loogu bogay waxaana qaybta hore lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku hayaan Wiilasha Howl-wadaag oo goolka uga mahad celinayaa laacibkooda Laacibka no-8 Cabdullaahi Yuusuf Maxamed oo rigooro u dhaliyay.

Marki laysku soo degmada Kaaraan oo kaashanaysa taageerayaasheeda sida wayn usoo camiray garoonka ayaa keensatay goolka barbaraha waxaana daqiiqadi 47 u saxiixay laaacibka no-9 Maslax Cabdi Shiikh.

Howl-wadaag oo xagga fursadaha goolka loo filan karo aad uga gacan saraysay Kaaraan ayaa qaybta labaad iska qasaarisay 4 fursada oo dahabi ah, waxaana laba kamid ah gool sax noqon lahaa garab dhaaf ka dhigay xiddio Howl-wadaag ah oo booska garab dhaafka ( Off-side0 kusugnaa kuwaa uu galay damac isla markaana taabtay k kubad goosha ku socotay sidaana qalad looga dhigay.

Kaaraan iyo Howl-wadaag ayaa sidaa ku qaatay min hal dhibic, waxaana laga wardhowrayaa kooxda hogaanka u qaban doonta Group C Boondheere iyo Deyniile oo garoonka Jaamacadaha ku ballansan isniinta 27 August