Degmada Shibis oo guul dirqi ah ka gaartay Xamar Jajab+Sawirro

Degmada ayaa guul dirqi ka gaartay degmada Xamar jajab oo ay kulan katirsan wareega Group-yada tartanka kubadda cagta degmooyinka ku yeesheen garoonka Jaamacadaha.

Labada koox o kuwdajira Group ayaa kubad weerar iyo weerar celis ah kusoo bandhigay garoonka waxaana waqtigii loogu talo ay guusha 1-0 ku raacday degmada Shibis, waxaana goolka u saxiixay laacibka No-9 Mahad Cabdiraxmaan Maxamuud.

Shibis uu sanadki labaad oo xiriir uu macalin u yahay Macallin Laash oo 2015 degmada Boondheere u horseeday hanashada tartanka kubada cagta degmooyinka ayaa Group B ku hogaaminaysa 3 dhibcood oo nadiif ah waxaana kusoo xiga Hodon iyo wartaNabadda oo oo min 1 dhibic leh.