Baarlamaanka D.D.S.I Oo Kulan Ka Yeelanaya Calanka Maamulkasi

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu wadaa in maanta kulan ay ka yeeshan Magaca iyo Calanka Ismaamulkaasi oo la bedalayo.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa la filayaa in saacadah soo socda uu ka furmo magaalada Jigjiga ee xarunra dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweynaha cusub ee Ismaamulkaasi Mustafe Muxmed Cumar Cagjar ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in la bedali doono Magaca iyo Calanka intaba.

Cagjar ayaaa xusay in Magaca D.D.S.I uu noqon doono Soomaali State, halka midabada Calankana lagu soo dari doono Calanka buluuga ah ee Soomaaliya.

Dhinaca kale R/wasaara dalka Itoobiya Abiy Axmed oo shir jaraa’id qabtay ayaa hoosta ka xariiqay in talaabo laga qaado doono Madaxdii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida ee dalkaasi oo uu ugu horreeyo Cabdi Maxamuud Cumar.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa shaaca ka qaaday in madaxdaasi ay ku dhaqaaqeen tacadiyo ka dhan ah Bani’aadanimada, islamarkaana lala xisaabtami doono.

Dhawaan isbadalo waa weyn ayaa ka dhacay gudaha Itoobiya oo ay ka mid tahay dhulka Ismaamulka Soomaalida ee dalkaasi.