Tartanka kubadda cagta degmooyinka oo furmay iyo Waaberi oo guul bilowday+Sawirro

Waxaa si rasmi ah garoonka Banaadir uga furmay tartanka kubadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir 2018, waxaana xaflada furitaanka oo si heersare loo soo agaasimayay kasoo qayb galay masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir iyo masuuliyiinta wasaaradda dhallinyarada iyo Isboortiga , Xiriirka kubadda cagta marti sharaf kale.

Ka hor bilowga ciyaarta waxaa garoonka Socod kusoo maray ciyaartoyda 17 degmo ee gobolka Banaadir oo ay horkacayeen Bambayda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana tartanka daah furay Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye.

Kulanka furitaanka oo ay ku loolameen degmada Waaberi oo tartanka daafacanasya iyo Degmada Dharkeenleey oo kuwad jira Group waxay soo bandhigeen ciyaar aad loogu bogay waxaana qaybta hore lagu kala nastay 0-0.

Marki laysku laabtay Waaberi ayaa hogaanka ciyaarta la wareegtay waxaana u saxiixay laacibna no-e Sulaymaan Siid Cali, waxaase karaka casaanka ka qaatay xiddiga no-11 Xuseen Axmed Cabdullaahi kadib laba jaale oo uu laba qayb ee cciyaarta qaatay, waxuuuna noqday laacibki u horeeyay ee tartanka Degmooyinka ka qaata jaalihii u horeeyay iyo Roosihi u horeeyay.

Dharkenley ayaa abuurtay fursado ay kusoo barbarayn kartay balse waxay ka faa’iidaysan waysay Waaberi oo roosi labaad ee ciyaarta garoonka looga saaray xiddiga no-6 Cabdisalan Xuseen Siyaad

Kaasoo laba jaale qaatay, waxaana taa badalkeeda gool labaad ugu shubay laacibka no-10 Xuseen Maxamed Xuseen , waxayna ciyaarta kusoo idlaatay 2-0 oo ay guusha ku raacday Waaberi oo hogaanka Group A kula qabatay 3 dhibcood.

Maanta oo sabti ah waxaa la ciyaari doonaa laba kulan oo ka kala dhici doona garoomada Banaadir iyo Jamaacadaha


Yaaqshiid iyo shangaani oo Group A kujira ayaa garoonka Jaamacadaha ku ballansan , halka Hodon iyo Warta Nabadda oo Group B ku midaysan ay isaga horimaan doonaan garoonka Banaadir.